Waxaa lagu jiraa isbuucyadii ugu muhiimsanaa xili ciyaareedka Real Madrid madama ay la ciyaari doonto shan maalmood gudahood Bayern Munich iyo Barcelona, sidaas oo ay tahay Gareth Bale ayaan kasoo muuqan karin kulanka Bayern madama uu tarar yar kasoo gaaray muruqa kubka.
Zidane ayaan qatar galin doonin xidigiisa reer Wales, wuxuuna dooran doonaa midkood Isco Alcaron iyo Marco Asensio.
Miyuu Seegi Doona El-Clasico? Ma cada wali inuu seegi karo kulanka El-Clasico, balse warbaahinta Spain waxey isku raaceen in kulanka Bayern uu aad ugu dhaw yahay isla markaana uusan kasoo muuqan karin.
No comments:
Post a Comment