Friday, April 27, 2018

Louis Van Gaal Oo Ahaa Tababarihii Soo Saaray Andres Iniesta Oo Ka Faah Faahsan Uga Sheekeeyay Qaabkii Uu Iniesta Iyo Xavi Ku Soo Helay.

Tababaraha ree Holland ee Louis Van Gaal oo ahaa shaqsigii saaxada kubbada cagta soo galiyay Andres Iniesta ayaa maalin qiiro badan u leh kabtanka Barcelona oo uu ku dhawaaqay bixitaankiisa ayuu Van Gaal si faah faahsan uga sheekeeyay qaabkii uu Iniesta iyo Xavi ku soo helay markii ay carruurta ahaayeen.
Louis Van Gaal ayaa waqtigii uu Barcelona joogay waxa uu soo saaray ciyaartoy magac wayn ku yeeshay kubbada cagta waxaana ka mid ahaa Andres Iniesta, Carles Puyol, Xavi, Victor Valdes, Thiago Motta, Pepe Reina iyo kuwo badan oo kale laakiin waxa uu si gaar ah u xusay tayadii Andres Iniesta ee uu ku soo saaray.
Van Gaal ayaa fariintan ku soo beegay maanta oo Andres Iniesta uu si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu dhamaadka xili ciyaareedkan ka bixi doono Camp Nou oo uu Barcelona waayihiisa ciyaareed oo dhan uu ku soo matalayay, wuxuuna Van Gaal xusay sidii uu maalin kasta u daawan jiray carruurta Barcelona. Halkan hoose kaga bogo qormada Van Vaal ee uu Iniesta ka sheegay.
Van Gaal ayaa hadalkiisa ku bilaabay: “Markii aan ahaa tababarhaa Barcelona, waxaan markasta ka fikirayay in ay aad muhiim u ahayd in  fursad la siiyo ciyaartoyda da’yarta ah. Todobaad kasta waxaan saaxiibadayda shaqaalaha tababarka la daawan jiray kulamada kooxda da’yarta ah. Waxaan la socday ciyaartoyda sida Iniesta, Xavi, Motta…. markiiba waxaan xaqiijistay in Andres uu fursad u qalmo”.
“Kooxda da’yarta, markaasba waxa uu ku muujiyay tayadiisa fiican taas oo horumar ku samaynaysay kooxda kowaad. Waxaan daawaday qaabkii uu garoonka uga shaqeeyay si la mid ah Xavi. Dad badan ayaa ii sheegay aniga in labaduba isku mid yihiin, laakiin waxaan ka fikirayay in Iniesta uu tatiko ahaan ka tayo badan yahay, waxa uu ahaa mid cajiib ah”.
” Anigu waxyaabo ayaan arki karayay qof kasta oo kale ka hor, waxaanan si sax ah u garanayay waxa meel yar lagu samayn karo. Iyada oo la tixgalinayo xaaladaha kala duwan, markasta waxa uu qaadanayay go’aanada ugu fiican, wuxuuna aad ugu deg deg badnaa kubbad bixintiisa”.
“Waxaad hadda arki kartaan Messi, balse sidoo kale isagu waa ciyaartoy aad u deg deg badan, laakiin Andres wuu ka duwan yahay. Waxa uu leeyahay tayo wayn oo uu sida Leo gambis ugu samayn karo ee banaan aad u yar, waxa uu leeyahay tayo badan iyo xawaare uu ku fuliyo. Tayadan waxaa la arkay 17 sano jirkiisii”.
” Wax adag ayay ahayd in markaas la qiyaasto in uu sidan fog u soconayo, inkasta oo ay jirtay yada uu markaasba muujinayay, laakiin wax ka badan ayaa jira. Iniesta kuma koobna cajiibsanidiisa ka ciyaartoy ahaan, sababtoo ah markasta waxa uu ahaa xirfadle fantastik ah”.

Sunday, April 16, 2017

Gareth Bale Oo Seegi Doona Lugta Labaad Ee Bayern Munich, Miyuu Ciyaari Karaa Kulanka El-Clasico?

Waxaa lagu jiraa isbuucyadii ugu muhiimsanaa xili ciyaareedka Real Madrid madama ay la ciyaari doonto shan maalmood gudahood Bayern Munich iyo Barcelona, sidaas oo ay tahay Gareth Bale ayaan kasoo muuqan karin kulanka Bayern madama uu tarar yar kasoo gaaray muruqa kubka.
Zidane ayaan qatar galin doonin xidigiisa reer Wales, wuxuuna dooran doonaa midkood Isco Alcaron iyo Marco Asensio.

Miyuu Seegi Doona El-Clasico? Ma cada wali inuu seegi karo kulanka El-Clasico, balse warbaahinta Spain waxey isku raaceen in kulanka Bayern uu aad ugu dhaw yahay isla markaana uusan kasoo muuqan karin.